Somali
CENSUS 2020
CENSUS 2020
CENSUS 2020
CENSUS 2020
CENSUS 2020
CENSUS 2020
CENSUS 2020
previous arrow
next arrow
Slider

Somali – Af-Soomaali

KUSAABSAN

Bulshada Asiyada –Mereeykanka waa qowmiyad  tiradooda sida ugu dhaqsida  badan u  kordheyso, hadana waxeey ka mid yahiin bulshooyinka ugu badan ee  Tirakoobka laga boodo, qaas ahaan markey noqoto dhinaca caruurta, waayeelka , iyo qoysaska ka kooban dad badan . Hay’ada loo yaqaan horumarinta cadaalda  dadka ka jsoo jeeda Meerkanka –Aasiyada ee Atlanta (AAAJ) iyo Xaruunta loo yaqaan CPACS(Center For for Pan American Community Center) ayaa iskugu tagay ee sameeystay Georgia AAPI, Tirakoobka loo dhan yahay(CCC) si layskugu keeno hogaamiya yaasha   kala duwan ee ah Asiyan –Amerikan,  ku waasoo fulin doona daraasaad  iyo wacyo galin la xiriira Tirakooba 2020,  iyagoo ka dhex  sameeynaayo buslshooyinka ee iyaga qaaska u ah , oo aay ka mid yahiin Qoomiyadaha (Carabta, Bariga Dhexe, Muslamiinta, iyo kuwa Koonfur Asiya (AMEMSA-Arab, Middle  Eastern , Muslims, iyo South Asian).  Hadafka dalada CCC  waa in la wadaago kheyraadka iyo in la abuuro jawi xiriirinaayo dadaala wada jir ah si loo hergeliyo ee loo sameeyo olale aad u balaaran oo ku saabsan Tiraakoobka sanadka 2020 ee tirade AAPI. 

Xogta Tirakoobka waxuu muhiim u yahay xaqiinjinta lacag ka badan $675  Bilyan oo ah maaligalinta ku aadan  dawladaha  Gobalka iyo tan Hoose sanandkiiba,  ee tobanka sano soo socda. Maaliyadaan waxaa ku jira qarashkii lagu bixin lahaa barnaamijyada caafimaadka , qorsheeynta wadaooyinka waaweyn iyo dhismaha, iyo maalgalinta barnaamijyada waxbarashada. Tirakoobka waxuu saameyn weyn ku leeyahay ganacsiga, urarda aan macaash doonka aheyn iyo waaxyaha kale,  maadaam xogagtaan aay istacmaalaayaan hor u marin yaasha iyo maal galin yaasha iyagoo u adeegsanaayo ku taageerida maalgalinta buslshada. Tirakoobka waa sharciyeeyn waajib ku ah si loo xaqiijiyo in si cadaalad ah  loo qeybiyo kuraasta Aqalka Hoose ee wakiilada Mareeykanka , waxaan loo isticmaalaa dib u habeynta degamada Maxaaliga ah , kuwa heer Gobal iyo heer Qaran.  Sidaas awgeeyd , waxaa muhiim ah in xaqiijiyo  tirade saxda ah ee dadka ah  Asiyada Mareekanka ee degan  gobalka Georgia sidii  bulshadeeyna u sii wadaan  ineey dhisto awoodooda iyo barwaaqano ka gaaraan halkaan oo aay ku noolyahiin,  tobanka sano ee soo socda. 

Guraha qoyska ayaa kaga  qeyb geli kara Tirakoobka 2020 khadka tooska ah ee komputerka , Khdaka telefonka, ama sahanka uruurinta dhanka warqada, laga bilaawo horreynta bisha Maarso 2020. 

Su’aalo?
*Omar Shekhey – oshekhey15@gmail.com

ILAHA